Qiso Waano Mudan: Odaygii qabriga ku booqday gabadhiisa ee ka wareystay Cadaabta..
Waxaa jiray nin aad u jeclaa gabar uu dhalay oo kaligeed uu ubad ka qabay, maalin maalmaha ka mid ah ayay inantiisii ka xanuunsatay, waxaana ugu dambeyn ay sababsatay cudurkii helay, oo ay u geeriyootay.
Markuu aasay gabadhiisi oo ay dadkii janaasada raacay ka soo laabteen isagu muusan soo bixin, wuxuna joogay qabriga ilaa uu go'aansaday inuu gabadhiisa ka soo saaro qabriga.
Wuxuu u yeeray rag ku kaalmeeya soo bixinta gabadhiisi dhimatay, wuxuuna ku soo qaatay boorso, isagoo keenay gurigiisii, muddo kadib dadkii dariska oo arrintan maqlay baa odaygii la yaabay oo waaniyay.
Wuxuu go'aansaday inuu inanta celiyo, laakiin wuxuu waayay boorsadii oo dhan, meel kasta wuu ka raadiyay laakiin muusan helin, wuuna ka quustay ilaa uu go'aansado inuu ku laabto qabriga isagoo u maleeyay inay kaga soo dhacday qabriga uusan guriga keenin.
Wuu laabtay wuxuuna qoday qabrigii, wuu ka waayay wax allah iyo wax ku jira, wuu yaabay, wax yar kadib haduu eegay qabrigii, waxaa ku jira wajigeedi, labadeedi jilbood, labadeedi lugood, iyo gacmaheedi oo guban.
Isagoo naxsan buu qabrigii ka soo baxay wuxuuna aaday gurigiisii, wuxuuna daalkii haayay iyo naxdintii kula dul dhacay sariirtiisii, isagoo ku riyooday arrin cajiib ah oo ku cibra qaadasho mudan.
Ninkii wuu riyooday wuxuuna hurdada ku arkay gabadhiisii oo weydiiyay "Xagaad joogtay markaan qabriga galay waan kaa soo waayay, maxayse tahay gubnida jidhkaaga" waxay ugu jawaabtay...
"Markii aad qabriga imaaneysay waxaa malaa'igtu ii qaaday jahannamo si' ay iigu soo ciqaabto, sidaas ayaana leygu sameeyaa xilli kasta oo la gaaro waqtiga Salaadda..."
Wuxuu weydiiyay "Maxay tahay Sababta laguugu qaado Naarta..?.." Waxay ugu jawaabtay..
"Waxaan waqtigeeda ka dib dhigi jiray Salaadda, mana tukan jirin waqtigeeda.."
Ilaahow Salaadda noo fududee oo naga Aqbal

Qiso Cajiib ah oo CashAr noqotay "Fannaanaddii Dharku Diiday"
Waxaa jirtay mid ka mid ah magaalooyinka carbeed gabar aad iyo aad ay u jeclaayeen dhallinyarada iyo dhamaan dadka aan fahamka wanaagsan ka heysan halista qaawinta cowarda, gabadhaasi waxaa lagu casuumi jiray xaflad kastoo lagu sameeyo munkar uusan ilaahay raalli ka aheyn.
Waxay gabadhu aad ugu caan baxday labiska aadka u muujiya jirka dumarka, waxay sidoo kale aad ugu dheg dhegi jirtay ragga xafladda jooga ilaa dadka qaarkiis ka baqaan inay iyagu ku camirato, waxay kaloo caan ku aheyd inay heesto iyadoo miyuusikada si’ xad dhaaf ah u la jaan qaadi jirtay.
Maalin baa waxaa looga yeeray xaflad aroos oo aad u camiran, waxay aheyd goob mashxarad iyo tamashleyn is-dhex yaac ah lagu sameynayo, waxayna u soo labisatay sidii looga bartay iyadoo mar qudha badashay jawigii goobta oo dadkii hoos iskaga sheegeen “Waxaa soo gashay hebla”.
Waxaa la tumay muusuqii, waxaa la dheelay wax kastoo ciyaar lagu tilmaamay balse aan xad diineed iyo mid damiirba laheyn, waxaana goobta is-qabsaday sawaxanka uu qurxiyo sheydaanka, ee heesaha.
Dadkii oo dhan baa miirkooda siiyay waxa socda, waxaase mar qudhaa la waayay fanaanaddii la jeclaa codkeeda, lagu maadeysan jiray cowradeeda, misa hadii leys fiir fiiriyay waxay taallaa dhulka iyadoo aan dhaqaaq iyo dareemo midna laheyn.
Dadkii baa isku soo xoomay oo korkeeda iskugu yimid laakiin saaxibteed oo aan goobta ka sii fogeyn baa dalabtay in miyuusikada aad loo dheereeyo iyadoo tilmaameyso inay suuxdinta wax caadiya tahay..! Laakiin arrinku sidaas wuu ka gedisnaa markaas.
Waa laga quustay inay soo toosto oo ay sameyso wixii laga sugayay, waxaana markaas goobta soo galay lamaanihii arooskooda munkarka ku qurxiyey, waxay taabteen wadnaheeda misana “gaw iyo gariir” midna maleh.
Waxay ogaadeen inay dhimatay, waxaase cajiib ah intaasi kadib maxaa xigay..?
Kolkey hubsadeen inay meyd tahay gabadhii ku saaciday tamashleynta Sheydaanka ayay u carareen inay asturaan oo ay dhar huwiyaan laakiin waxaa layaab iyo amakaag madaxa ka weyn uu ku dhacay dhamaan dadkii goobta joogay kadib markii maro waloo lagu dado korkeeda ka biibtay oo ay jirkeedii uu diiday wax kastoo la huwiyo.
Waxaa deg deg loogu yeeray seygeedii oo aan ka war heyn arrintan soo korortay wuxuuna si’ hal-haleel ah ku soo gaaray goobtii ay taallay xaaskiisii geeriyootay, wuxuu ku cararay inuu bal marka hore asturo laakiin isna wuu ka quustay inuu taako allah haka dhigee jirkeeda qariyo.
Isagoo naxsan oo wareersan oo aan ogeyn siduu waxyeelo ayuu geeyay goobtii lagu dhaqi jiray meydka, misana waxaaba ka sii daray jirkeedii oo laga quustay in karfantii la galiyo, waxaa mara kastoo la huwiyo u biibeysaa sida inay dabeyl xagga hoose kaga imaaneyso oo ay haatineyso.
Waa Arrin cajiib ah oo maan gal la noqon weysay dadkii goob joogga u ahaa arrintan qabsatay gabadhii jirkeeda qaawisay ee adduunka lagu ibtileeyey.
Hadaba Maxaa qisadan laga fahmay?
Marka hore waxaa dhacdadaan baraarujin u tahay dhamaan dumarka Islaamka gaar ahaan kuwa is-qaawiya ama jirkooda qeyb ka mid ah aan asturin.
Marka xigta hadii qofku Ilaahay Subxaanah Watacaalaa ka baqi waayo intuu adduunka joogo waxaa suura gal ah in ciqaabta qabriga iyo cadaabka aakhiro aan lala sugin oo adduunka lagu imtixaano ama khaatumo xun uu ku dhameysto nolosha sidaasna lagu soo bixiyo qiyaamo ileyn “Qof walbo siduu ku dhintay unbaa lagu soo bixin doonaa qiyaamaha”.
Maxaa Muhiim noo ah oo qisadan naga kaafisay.?
Waxaa muhiim ah in Qof kastoo dumar ah ogaato in jidhkeeda oo dhan uu cowro yahay, loona baahan yahay inay ku asturto dhar xoog leh oo aan ku dhaganeyn qeyb jirkeeda ka mid ah, waa hadii aan raaceyno sharciga Islaamka oo aan ka baqeyno ilaahaygii ina abuuray.
Si’ kastoo Culimada Islaamka u darseen cowrada dumarka Islaamka, waxaa leysku raacay in gabadha xorta ah markay ajaanib la joogto jirkeeda oo dhan uu cowra yahay, waxaana shardi ah inaan qeyb ka mid ah jirka la baneyn ama dhar ku dheggan la gashan.
Ilaahay xaqa hana waafajiyo..Aamiin aan dhano walaalayaal
Qiso aad u xanuun badan Wiilkii Caasiga ahaa ee Hooyadii maagay
Wiilkii baa hooyadiis ku jees jeesay oo ku yiri "Wajigaada waan dhibsaday ee na keen waxaan ku geyn doonaa meel aad ka sheekeyn doonto".
Hooyadu meysan garan wuxuu kala jeedo hadalkan wiilkeeda, wuxuuna geeyay buur dheer isagoo go'aansaday inuu cirifka sare ee buurta ka soo tuuro.
wuxuuna yiri "Waad ka leexan weysay xaaskeyga ee iska samir maanta ayaa kugu dambeysay dhib dambe oo aad xaaskeyga dhibto".
Hooyadii oo ilmeyneysa ayaa iyadoo deggan waxay tiri "Waxaad doonto samee laakiin ii ogolow inaan tukado labo rakco oo salaad ah".
Wuuu ka ogolaaday laakiin markay salaama dhaqsatay baa waxaa wiilkii qeybtuu taagnaa buurta la go'day wuxuuna galay dhulka hoose, isagoo aad u qeylinaya.
Hooyadii baa qeylisay, ilaa ay maqleen dadkii magaalada joogay, waxayna codsatay in wiilkeeda laga soo saaro buurta laakin lama awoodin ilaa loo tagay wadaadkii deegaanka oo sheegay inaysan jirin cid buurtan ka soo hoos bixin karta waayo wuxuu mutay "Abaal marinti caasinta waalidka" wuxuu shiikhu sii raaciyay inay iyada docadeeda ku badbaadin karto oo kali ah.
Hooyadii waxay sacbaha u hoorsatay Ilaahay oo kadibna wiilkii isagoo cidna saacidin ka soo baxay buurtii hoosteeda, halkaasna waxaa ku cibra qaatay dadki goobta joogay iyo intii qisadan ay soo gaartay.
Wiilkii wuu noolaaday laakiin ma awoodin inuu wax ku cabo, ama ku cuno ilaa gacanta hooyadiis maahee, hadii uu qof kale wax ka cuno ama ka cabo si' kastaba lagama yaabo inuu dhergo.
Sidaasna waxaa ilaahay ku hanuuniyay wiilki oo billaabay inuu hooyadiis u ixsaan falo, walaal hadii aad is-leedahay xoogaa caasin ah baa kugu jirta fadlan waa Ramadaan ee qalbiga fur waalidkaana saacid ileen la'aantood ma jirneen.
FG: Walaal Faafi qisadan si' walaalaha kale ugu cibra qaataan